Dhalinyarada waa tiirka mustaqbalka Koonfur Galbeed

WASAARADDA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA Ministry of Youth and Sports وزارة الشباب والرياضة

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Wararka · 25 Jul 2026

Hoggaamiyaha DKGS oo Saxiixay Qorshaha Isbeddelka Dowladda ee 2026–2031, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Ballanqaaday Hirgelintiisa

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa saxiixay Qorshaha Isbeddelka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee 202…

Wararka · 21 Oct 2026

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DKGS oo Kulan la Yeeshay Sarkaalka Qaramada Midoobay ee Qaabilsan Arrimaha Dhalinyarada

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho, gaar …

Wararka · 21 Sep 2026

Baydhabo oo lagu Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamig…

3200+ Dhalinyaro oo la Tababaray
48+ Tartamo Ciyaareed oo la Qabtay
126+ Ururro oo Diiwaangashan
14+ Goobo Ciyaareed oo la Dhisay

Adeegyada Wasaaradda

Waxaan dhalinyarada iyo ciyaaraha ka shaqaynaa saddex qaybood oo waaweyn.

Tababar & Awood-siinta Dhalinyarada

Waxaan qaban-qaabinnaa tababaro, aqoon-isweydaarsi iyo kobcin hoggaamineed si dhalinyaradu u helaan xirfado iyo fursado shaqo.

Horumarinta Ciyaaraha & Tartamada

Waxaan taageernaa kooxaha, tartamada iyo garoomada ciyaaraha, si ciyaartoyda iyo kooxaha gobolka loogu dhiiri geliyo kartidooda.

Xirfado, Farshaxan & Ka-qaybgal Bulshada

Waxaan dhiirrigelinnaa farshaxanka, tignoolajiyada iyo ka-qaybgalka bulshada, annagoo dhalinyarada ku tababarayna xuquuqda iyo hoggaaminta.

Fariinta Wasiirka
Mowliid Xasan Xuseen

“Dhallinyarada Koonfur Galbeed, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad hormuud ka noqotaan hal-abuurka, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha, kanaalin firfircoon ka qaadataan isbeddelka wanaagsan ee bulshadeenna. Codkiinna, fikradihiinna iyo hoggaamintiinnu waxay laf-dhabar u yihiin horumarka Dowlad-Goboleedkeenna. Wasaaraddaydu waxay ka go’an tahay inay abuurto fursado lagu xoojinayo awoodda dhallinyarada, laguna kobcinayo ka-qaybgalkooda hoggaaminta iyo horumarinta mustaqbalkooda.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hay’adaha dowladda, bahwadaagta horumarinta, ururrada bulshada rayidka ah iyo ganacsatada inay nagala qaybqaataan maalgelinta iyo horumarinta dhallinyarada, iyo sidoo kale kobcinta ciyaaraha.

Aan si wadajir ah u awood-siino dhallinyaradeenna, u horumarino ciyaaraha, una dhisno Koonfur Galbeed nabdoon, loo dhan yahay, horumarsan oo barwaaqo ah.


Mudane Mowliid Xasan Xuseen
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha DKGS”

Mowliid Xasan Xuseen
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
La-shaqeeyayaasha