Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda (International Day of Peace).
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DGKS, xildhibaanno, ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahano dhallinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho, culumaa’udiin, waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka bulshada.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay nabaddu u leedahay bulshada, gaar ahaan doorka dhallinyarada ee nabad-dhisidda, xoojinta midnimada, wadajirka bulshada iyo ka-hortagga colaadaha.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo iyo farriimo ku saabsan sida bulshada, gaar ahaan dhallinyaradu, ugaalin muuqda uga qaadan karaan dhismaha nabad waarta iyo xoojinta is-dhexgalka bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DGKS, isagoo dhallinyarada kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasilloonida bulshada, isla markaana ay noqdaan hormuudka dadaallada nabad-dhisidda iyo horumarinta bulshada.
Wasiirku wuxuu sidoo kale sameeyay ballanqaad gaar ah oo ku aaddan taageerada dhallinyarada ku howlan sawir-qaadista, isagoo ku dhawaaqay in Wasaaraddu abaal-marin lacageed siin doonto qofka ku guuleysta tartanka sawir-qaadista ee ay Wasaaraddu qabanayso. Tallaabadan ayaa lagu dhiirrigelinayaa dhallinyarada inay hal-abuurkooda iyo xirfadahooda u adeegsadaan gudbinta farriimaha nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DGKS waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka dhallinyarada, hal-abuurkooda iyo kaalintooda ku aaddan nabad-dhisidda, isku-xirka bulshada iyo horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Nabadda waa masuuliyad wadajir ah, dhallinyaraduna waa laf-dhabarta mustaqbalka nabadda.
Wararka
Baydhabo oo lagu Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda
La daabacay 21 Sep 2026



