Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan cayaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano (U17), guusha qiimaha leh ee ay ka gaareen dhiggooda Kenya U17, ciyaar ka dhacday magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u bogaadinaysaa dadaalka, kartida, midnimada iyo niyadda wanaagsan ee ay muujiyeen cayaartoyda da’yarta Soomaaliyeed, kuwaas oo sharaf iyo sumcad u soo hooyay qarankooda.

Guushani waxay muujinaysaa kartida iyo mustaqbalka ifaya ee dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca horumarinta Cayaaraha iyo matalaadda qaranka ee tartamada caalamiga ah.

Hambalyo xulka qaranka Soomaaliya U17! Guulo waaweyn ayaan idiin rajaynaynaa.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya