Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dib u howlgeliisay Maktabadda Dhallinyarada ee magaalada Baydhabo, taas oo loogu talagalay in dhallinyaradu ka faa’iidaystaan akhriska, waxbarashada iyo kobcinta aqoontooda.
Dib u howlgellinta maktabaddu waxay qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda ee lagu dhiirrigelinayo akhriska, horumarinta aqoonta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.
Maktabaddu waxay dhallinyarada siinaysaa fursad ay ku helaan buugaag iyo agab waxbarasho, kuna horumariyaan kartidooda aqooneed, cilmi-baarista iyo hal-abuurka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaruhu waxay ku boorrinaysaa dhallinyarada Koonfur Galbeed inay ka faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana ay akhriska iyo waxbarashada ka dhigtaan qayb muhiim ah oo ka mid ah horumarkooda mustaqbalka.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.



