Tababar & Awood-siinta Dhalinyarada
Waxaan qaban-qaabinnaa tababaro, aqoon-isweydaarsi iyo kobcin hoggaamineed si dhalinyaradu u helaan xirfado iyo fursado shaqo.
Dhalinyarada waa tiirka mustaqbalka Koonfur Galbeed
Waxaan dhalinyarada iyo ciyaaraha ka shaqaynaa saddex qaybood oo waaweyn.
Waxaan qaban-qaabinnaa tababaro, aqoon-isweydaarsi iyo kobcin hoggaamineed si dhalinyaradu u helaan xirfado iyo fursado shaqo.
Waxaan taageernaa kooxaha, tartamada iyo garoomada ciyaaraha, si ciyaartoyda iyo kooxaha gobolka loogu dhiiri geliyo kartidooda.
Waxaan dhiirrigelinnaa farshaxanka, tignoolajiyada iyo ka-qaybgalka bulshada, annagoo dhalinyarada ku tababarayna xuquuqda iyo hoggaaminta.
“Dhallinyarada Koonfur Galbeed, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad hormuud ka noqotaan hal-abuurka, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha, kanaalin firfircoon ka qaadataan isbeddelka wanaagsan ee bulshadeenna. Codkiinna, fikradihiinna iyo hoggaamintiinnu waxay laf-dhabar u yihiin horumarka Dowlad-Goboleedkeenna. Wasaaraddaydu waxay ka go’an tahay inay abuurto fursado lagu xoojinayo awoodda dhallinyarada, laguna kobcinayo ka-qaybgalkooda hoggaaminta iyo horumarinta mustaqbalkooda.
Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hay’adaha dowladda, bahwadaagta horumarinta, ururrada bulshada rayidka ah iyo ganacsatada inay nagala qaybqaataan maalgelinta iyo horumarinta dhallinyarada, iyo sidoo kale kobcinta ciyaaraha.
Aan si wadajir ah u awood-siino dhallinyaradeenna, u horumarino ciyaaraha, una dhisno Koonfur Galbeed nabdoon, loo dhan yahay, horumarsan oo barwaaqo ah.
Mudane Mowliid Xasan Xuseen
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha DKGS”
La soco war-bixinnada ugu dambeeya ee Wasaaradda.
Barnaamijyada ay Wasaaraddu la fulinayso la-shaqeeyayaasheeda.