Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoomay munaasabadda xil wareejinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Mowliid Xasan Xuseen, isagoo kala wareegay Wasiirkii hore Mudane Salmaan Shuceyb Cali.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, waxaana si rasmi ah xilka u kala wareejiyey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyey shaqadii uu soo qabtay Wasiirkii hore, iyagoo sidoo kale Wasiirka cusub u rajeeyey inuu sii xoojiyo horumarinta dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha Koonfur Galbeed.

Wasiirka cusub Mudane Mowliid Xasan Xuseen ayaa ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono bahda dhallinyarada iyo ciyaaraha, isla markaana uu dardargelin doono qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada iyo fursadaha loo abuuro dhallinyarada reer Koonfur Galbeed.