Baraawe | 2 Oktoobar 2026
Golaha Dhallinyarada Degmada Baraawe ayaa maanta hoggaamiyay olole nadaafadeed iyo dhiraynta Xarunta Dhallinyarada Degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nadaafadda, bilicda iyo ilaalinta deegaanka.
Dhallinyaradu waxay si isxilqaan ah uga qaybqaateen nadiifinta xarunta, hagaajinta bilicdeeda iyo beerista geedo cusub. Tani waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ka qaadan karaan horumarinta iyo daryeelka deegaankooda.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageertaa oo dhiirrigelisaa hindisayaasha Golaha Dhallinyarada ee ku salaysan isxilqaanka, adeegga bulshada, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta xarumaha dhallinyarada. Wasaaraddu waxay sidoo kale xoojinaysaa ka qaybgalka dhallinyarada iyo doorkooda ku aaddan horumarinta dalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero muhiim ah ka geysatay ololahan, iyadoo Xarunta Dhallinyarada Baraawe soo gaarsiisay geedo iyo dhir loogu talagalay in lagu beero xarunta iyo nawaaxigeeda.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay bogaadinaysaa dadaalka, isxilqaanka iyo hoggaaminta Golaha Dhallinyarada Degmada Baraawe, iyo dhammaan dhallinyaradii ka qaybqaadatay hawshan muhiimka ah.
Dhirayn maanta, deegaan cagaaran berri.
Nadaafaddu waa masuuliyad wadajir ah.
Isxilqaanka dhallinyaradu waa tiirka horumarka bulshada.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Wararka
Golaha Dhalinyarada Baraawe oo Hoggaamiyay Olole Nadaafad iyo Dhirayn
La daabacay 02 Oct 2026



