TARTANKA SAWIR QAADISTA – WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA DKGS

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay ku dhiirrigelinaysaa dhallinyarada hal-abuurka leh inay ka qaybqaataan Tartanka Sawir Qaadista, si ay sawirrada ugu muujiyaan quruxda, dhaqanka, deegaanka, nabadda, midnimada iyo nolosha dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Mawduucyada Tartanka waxaa ka mid ah:

* Dhallinyarada iyo Hoggaanka
* Dhaqanka iyo Hiddaha
* Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
* Nabad, Midnimo iyo Iskaashi
* Waxbarashada iyo Horumarka
* Ciyaaraha iyo Nolol Firfircoon

ABAALMARINTA:
US$1,000 – Abaalmarin lacageed

Qaybta ka qaybgalayaasha:
Dhallinyarada da’doodu tahay 15–35 jir ee ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waqtiga ugu dambeeya:
30-ka Sebtembar 2026

Soo dir sawirka:
moys.photographs@gmail.com

Soo bandhig hal-abuurkaaga, kuna muuji sawir waxa aad ka aragto bulshada, dhaqanka iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed.

Sawir • Hal-abuur • Isbeddel