Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabatay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, taas oo sanad kasta la qabto 12-ka Agoosto.

Munaasabadda waxaa diiradda lagu saaray doorka dhallinyarada ee horumarka, nabadda, hal-abuurka, shaqo-abuurka iyo mustaqbalka dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa kaso qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, dhallinyaro, ururrada dhallinyarada, bulshada rayidka ah.

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta ka qaybgalka dhallinyarada, horumarinta xirfadahooda, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo abuurista fursado ay si firfircoon uga qaybqaataan horumarinta dalkooda.

Dhallinyaradu waa awoodda maanta iyo hoggaamiyeyaasha berri.