Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Decale, Martti Karttunen, oo qaabilsan arrimaha dhallinyarada ee Qaramada Midoobay Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha nololeed ee dhallinyarada, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa awooddooda, doorkooda iyo ka-qaybgalka ay ku leeyihiin horumarinta bulshada.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa u-qareemidda arrimaha dhallinyarada, kor loogu qaadi lahaa codka iyo baahiyaha dhallinyarada, loona xoojin lahaa wada-shaqaynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo fursadaha dhallinyarada, laguna taageerayo qorshayaasha wax ka qabanaya baahiyahooda nololeed iyo kuwa horumarineed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah, si loo horumariyo xaaladaha nololeed ee dhallinyarada loona xaqiijiyo in codkooda iyo mudnaantooda la tixgeliyo.