Baydhabo: Waxaa hoolka shirarka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu qabtay munaasabad rasmi ah oo xilalka loogu kala wareejinayay guddoomiyeyaasha Golaha Dhallinyarada heer dowlad-goboleed, heer gobol iyo heer degmo.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha DKGS, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda iyo Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Baydhabo, Guddoomiyaha Haweenka Degmada Baydhabo, Guddoomiyaha Ururrada Aan Dowliga Ahayn ee SOSWENSA iyo guddoomiyeyaasha 10-ka xaafadood ee Degmada Baydhabo.

Munaasabadda ayaa si rasmi ah xilalka loogu wareejiyay masuuliyiinta kala ah:

1. Axmed Isxaaq Sonkor – Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

2. Daauud Isxaaq Xasan – Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Gobolka Baay.

3. Xuseen Ibraahim Maxamed – Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Degmada Baydhabo.

Masuuliyiintii ka soo qaybgalay munaasabadda ayaa guddoomiyeyaasha cusub kula dardaarmay inay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, kana shaqeeyaan mideynta dhallinyarada, horumarinta doorkooda bulshada, xoojinta nabadda iyo ka qaybqaadashada dadaallada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha DKGS waxay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay dhismaha hoggaan dhallinyaro oo firfircoon, daacad ah, isla markaana u adeega danaha iyo himilooyinka dhallinyarada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya