Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowlid Xasan Xuseen, ayaa magaalada Nairobi, dalka Kenya, kulan muhiim ah kula yeeshay masuuliyiinta hay’adda GIZ, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa hay’adda GIZ iyo Dowladda Jarmalka uga mahadceliyay taageerada bani’aadannimo iyo dadaallada horumarineed ee ay ka wadaan Koonfur Galbeed, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii laba jibbaaro lana ballaariyo taageeradaas si ay uga faa’iideystaan bulshada iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay horumarinta ciyaaraha, shaqo-abuurka dhallinyarada, horumarinta xirfadaha, tababarro shaqo iyo fursadaha dhaqaale, iyadoo GIZ ay soo bandhigtay barnaamijyada ay ka waddo Deegaanada koonfur galbed , oo ay ka mid yihiin fududeynta tababarro shaqo iyo bandhigyada shaqooyinka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale la wadaagay GIZ Qorshaha 100-ka Maalmood iyo mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda, isagoo adkeeyay muhiimadda maalgashiga dhallinyarada iyo ciyaaraha si loo kobciyo fursadaha, nabadda, isku-xirka bulshada iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo hirgelinta barnaamijyo wax-ku-ool ah oo taageeraya dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya.