Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed oo Booqday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowiid Xasan Xuseen, oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Marwo Sucaad Galow, iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Intii ay booqashadu socotay, Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Guddiga dadaallada iyo shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay doorkooda ku aaddan horumarinta ciyaaraha dalka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale caddeeyay sida ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ciyaaraha iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha dhallinyarada, ciyaartooyda iyo bahda ciyaaraha ee Koonfur Galbeed.

Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyadoo mudnaanta siinaysa iskaashi, isku-xirnaan iyo fursado loo siman yahay