Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabduqaadir, iyo Guddoomiyaha Guddiga Cayaaraha ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Aamino Eelay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada Wasaaradood, horumarinta dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha, iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan iskaashi oo lagu horumarinayo bahda ciyaaraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada horumarinta ciyaaraha, taageeridda xiriirrada ciyaaraha iyo abuurista fursado ay dhallinyaradu ku horumariyaan kartidooda iyo xirfadahooda.