Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa soo xiray Horyaalka Heerka 3-aad (Serie C) ee kubadda cagta magaalada Baydhabo.
Munaasabadda xiritaanka horyaalka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha, kooxaha tartanka ka qaybgalay iyo taageerayaasha kubadda cagta.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa abaalmarinno la guddoonsiiyey naadiyadii iyo ciyaartoydii ku guuleystay qaybaha kala duwan ee tartanka, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda, kartidooda iyo horumarinta kubadda cagta.
Wasiirka ayaa bogaadiyey dhammaan naadiyada, ciyaartoyda iyo qabanqaabiyeyaasha horyaalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhallinyarada hibada u leh kubadda cagta.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaruhu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo horyaallada kubadda cagta iyo taageeridda dhallinyarada ciyaartoyda ah, si loo kobciyo tayada ciyaaraha loona abuuro fursado cusub oo ay ku muujiyaan kartidooda.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.



