Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay:

* Mudane Axmed Isxaaq Sonkor – Guddoomiyaha Dhallinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
* Mudane Daa'uud Isaaq Xasan – Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Bay.
* Mudane Xuseen Ibraahim Maxamed – Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Baydhabo.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa Guddoomiyeyaasha cusub guul iyo masuuliyad wanaagsan, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhallinyarada iyo daneeyayaasha inay si dhow ula shaqeeyaan.

Xafiiska Wasiirka
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya