Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa maanta kulan la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda NIS Foundation, Mudane Ahmed Cismaan, iyo Madaxa Barnaamijyada Hay’adda, Mudane Osman Yusuf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo NIS Foundation, gaar ahaan sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa dib-u-dhiska, dayactirka iyo horumarinta kaabayaasha ciyaaraha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Mowliid ayaa bogaadiyey dadaallada ay NIS Foundation ka waddo Koonfur Galbeed, isagoo si gaar ah u xusay dhismaha iyo horumarinta Garoonka Ciyaaraha Degmada Diinsoor, oo Hay’addu bilowday hirgelintiisa horraantii sanadkan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mashaariicda noocan ah ay muhiim u yihiin helitaanka garoomo iyo goobo ciyaareed oo tayo leh, kuwaas oo dhallinyarada u abuuraya fursado ay ku horumariyaan kartidooda ciyaareed, isla markaana ciyaaruhu ay door muhiim ah ka qaadan karaan xasilinta, nabadaynta iyo isku-xirka bulshada.

Maadaama NIS Foundation ay ka shaqeyso dhinacyada xasilinta iyo horumarinta bulshada, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga faa’iideysto khibradda iyo taageerada Hay’adda, si loo dhiso, loo dayactiro loona dib-u-habeeyo garoomada iyo xarumaha ciyaaraha ee ku yaalla deegaannada Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu sii xoojin karo wada-shaqeynta, iyadoo la hirgelinayo mashaariic cusub oo wax-ku-ool ah oo wax ka tari kara baahiyaha dhallinyarada, horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta adeegyada bulshada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay ka go’an tahay horumarinta ciyaaraha, dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha ciyaaraha, iyadoo sii xoojinaysa wada-shaqeynta hay’adaha, ururrada bulshada iyo bah-wadaagta horumarineed.

Ciyaaruhu waa fursad, dhalinyaraduna waa awoodda iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed.