Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa hadal ka jeediyay isu soo-bax ballaaran oo lagu muujinayay garab istaagga iyo taageerada loo hayo walaalaha Turkiga.
Munaasabadda oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo boqolaal ka mid ah shacabka reer Baydhabo.
Wararka
Wasiirka oo Hadal ka Jeediyay Isu-soo-bax Garab-istaag Turkiga ee Baydhabo
La daabacay 15 Sep 2026


