Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa booqasho ku tagay xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, halkaas oo uu kulan kula qaatay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta cayaaraha, gaar ahaan kubadda cagta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine, ayaa ballanqaaday inuu kaalin mug leh ka qaadan doono horumarinta kubadda cagta ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii loo heli lahaa dhallinyaro xirfadlayaal ah oo heer sare ka gaari kara kubadda cagta, isla markaana awood u yeelan kara inay si sharaf leh ugu matalaan Qaranka Soomaaliyeed tartamada heer gobol iyo heer caalami.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kormeer indha-indheyn ah ku sameeyay Garoonka Eng. Yariisow (Ex-Koonis), isaga oo soo arkay xaaladda garoonka iyo kaabeyaasha ciyaaraha.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha DKGS ee lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha ciyaaraha, kobcinta kartida dhallinyarada iyo horumarinta cayaaraha.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya



