Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS Mudane Mowlid xuseen isla markaana ay wehliyeen Wasiirrada Haweenka, Deegaanka & Isbeddelka Cimilada, Qorsheenta, iyo Gargaarka, ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha iyo Ku‐xigeenka IOM Somalia.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka IOM iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siiyay barnaamijyada dhallinyarada iyo haweenka, iyo sidoo kale ka jawaabidda caqabadaha sii kordhaya ee isbeddelka cimilada.

Waxaa sidoo kale la falanqeeyay horumarka laga gaaray diiwaangelinta biometrics ee barakacayaasha (IDPs) ee hoos yimaada CCCM Cluster, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda xoojinta hababka Isu‐duwidda Degmooyinka (ABC) si loo wanaajiyo u diyaar garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca heer gobol iyo degmo.