Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Mowliid Xasan, oo ay wehliyaan Xildhibaan Aamino Maxamed Mursal (Eeley), Guddoomiyaha Guddiga Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Golaha Shacabka BJFS, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed, ayaa kormeer indha-indhayn ah ku sameeyay Garoonka Dr. Ayuub Stadium ee magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiinta ayaa u kuurgalay xaaladda garoonka, baahiyaha ka jira iyo qorshayaasha lagu horumarinayo kaabeyaasha ciyaaraha. Waxay sidoo kale kulan la yeesheen maamulka iyo mas’uuliyiinta garoonka si ay uga xog ogaadaan caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed.
Intii ay booqashadoodu socotay, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale kormeer ku tageen xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed iyo Garoonka Kubadda Koleyga ee Darbane Muudey ee magaalada Baydhabo. Halkaasi waxay ku qiimeeyeen xaaladda goobahaasi iyo baahiyaha horumarineed ee u baahan in wax laga qabto, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabeyaasha ciyaaraha si loo kobciyo tayada iyo fursadaha dhalinyarada gobolka.
Wararka
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Kormeer ku Sameeyay Garoonka Dr. Ayuub ee Baydhabo
La daabacay 01 Aug 2026



