Baraawe – 12 Agoosto 2026
Munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka ayaa maanta lagu qabtay Degmada Baraawe, iyadoo ay ka soo qayb galeen maamulka degmada, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ururrada dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maalintan ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay dhallinyaradu u leeyihiin horumarka, nabadda iyo dib-u-dhiska bulshada, iyadoo lagu dhiirrigeliyey inay door muuqda ka qaataan mustaqbalka dalkooda.
Dhallinyaro firfircoon, bulsho horumarsan.
Wararka
Baraawe oo Lagu Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Adduunka
La daabacay 12 Aug 2026



