Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya
Kulan Muhiim ah oo lala yeeshay SIDA – Nairobi
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa magaalada Nairobi kulan shaqo kula yeeshay masuuliyiinta Xafiiska SIDA (Swedish International Development Cooperation Agency), oo ay ka mid ahaayeen Marwo Cecilia Kleimert iyo Mudane Per Karlsson.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo fursadaha taageero ee la xiriira mudnaanta Wasaaradda, gaar ahaan hoggaaminta dhallinyarada, awood-siinta dhallinyarada, ka-qaybgalka bulshada, awood-siinta dhaqaale ee dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankani wuxuu qayb ka ahaa Qorshaha 100-ka Maalmood ee Wasaaradda, gaar ahaan hawlaha Stakeholder Engagement iyo Donor Mapping, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta xiriirka daneeyayaasha iyo aqoonsiga fursadaha iskaashi iyo taageero ee waafaqsan mudnaanta Wasaaradda.
Qorshaha 100-ka Maalmood wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa himilada iyo aragtida horumarineed ee Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), iyadoo Wasaaraddu ka shaqaynayso sidii loo dardargelin lahaa Xoojinta dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.
Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Sweden iyo SIDA taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta lagu taageerayo Dhallinyarada KGS
Dhallinyaro Awood Leh • Fursado Horumarineed • Koonfur Galbeed Horumarsan
Wararka
Wasiirka oo Kulan Muhiim ah la Yeeshay SIDA ee Nairobi
La daabacay 23 Aug 2026



