Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa kulan isbarasho iyo is-xogwareysi ah la yeelatay xubnaha Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Axmed Doolar, iyo xubno ka tirsan maamulka Xiriirka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogta iyo aragtiyaha ku saabsan xaaladda kubadda cagta, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo xiriirrada ciyaaraha, si loo horumariyo kubadda cagta, loo dhiirrigeliyo dhallinyarada hibada leh, loona abuuro fursado ay ku kobciyaan xirfadahooda ciyaareed.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.



