Garoonka Dr. Ayuub Stadium – Baydhabo

Iyadoo lagu guda jiro dabaal-degga Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka 2026, waxaa shalay Garoonka Dr. Ayuub Stadium ee magaalada Baydhabo lagu qabtay kulan ciyaareed ay ka qayb galeen dhallinyaro ka kala socday kooxo kala duwan.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa dhiirrigelinta ka qaybgalka dhallinyarada ee ciyaaraha, xoojinta isdhexgalka bulshada iyo kor u qaadidda doorka ciyaaruhu ku leeyihiin nabadda, caafimaadka iyo horumarka bulshada.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay sii wadi doontaa taageeridda barnaamijyada horumarinta dhallinyarada iyo kobcinta ciyaaraha.

Dhallinyaro caafimaad qabta, bulsho horumarsan.