Kulamo Is-xigxigay oo Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha DKGS la yeeshay Hoggaanka Golaha Dhallinyarada Qaranka.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay hoggaanka Golaha Dhallinyarada Qaranka, oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka, Mudane Cabdikaafi Maxamed, iyo hoggaanka Golaha Dhallinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-xirka hay’adaha dhallinyarada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, horumarinta fursadaha dhallinyarada iyo dardargelinta barnaamijyada lagu horumarinayo ka-qaybgalka iyo doorka dhallinyarada.

Wasiirka ayaa bogaadiyey dadaallada ay wadaan hoggaanka labada gole, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga, wada-tashiga iyo isku-xirka qorshayaasha horumarinta dhallinyarada.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga hay’adaha dhallinyarada, si loo helo fursado iyo adeegyo wax-ku-ool ah oo ka jawaaba baahiyaha dhallinyarada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.