Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mowliid Xasan Xuseen, ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin iyo halyeeyo ka tirsan bahda ciyaaraha qaranka.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu diyaarinayo Sharciga Ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo saldhig u noqon doona nidaaminta, maamulka iyo horumarinta ciyaaraha ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Wasaaraddu waxay ka faa’iidaysanaysaa waayo-aragnimada iyo talooyinka masuuliyiinta iyo halyeeyada ciyaaraha, si loo diyaariyo sharci waafaqsan baahiyaha bahda ciyaaraha, isla markaana qeexaya habraacyada maamulka, masuuliyadaha iyo horumarinta ciyaaraha.

Masuuliyiinta iyo halyeeyada ciyaaraha ayaa door muhiim ah ka qaadan doona talo-bixinta iyo taageeridda diyaarinta sharcigan, si loo helo hannaan sharciyeed lagu hago ciyaaraha, laguna kobciyo wada-shaqeynta Wasaaradda, xiriirrada ciyaaraha iyo dhammaan bahda isboortiga.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaruhu waxay ka go’an tahay horumarinta nidaamka sharciyeed ee ciyaaraha, ilaalinta xuquuqda ciyaartoyda iyo abuurista jawi ku habboon kobaca iyo horumarka ciyaaraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.