Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Mudane Mohamed Adan Ali, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Horyaalka Xeerka Saddexaad ee Kubadda Cagta Koonfur Galbeed.

Daahfurka horyaalkaan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha, kobcinta hibada dhalinyarada, iyo dhiirrigelinta tartamada kubadda cagta ee heerarka kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed waxay bogaadinaysaa dhammaan kooxaha, ciyaartoyda, maamulka ciyaaraha iyo taageerayaasha ka qayb qaadanaya hirgelinta horyaalkaan.

Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa taageerada horumarinta ciyaaraha iyo abuurista fursado ay dhalinyaradu ku muujiso kartideeda.